Soo-dhowoow
Waxaan dib u nakh-shadeynaynaa Dekedyarada (Pier) 58
Ku soo dhawoow guriga furan ee internet-ka ee mashruuca nakh-shadda Dekedyarada (Pier) 58. Waxaan dib u nakh-shadeynaynaa Dekedyarada (Pier) 58 si aan u abuurno darjiin/beer dadweyne oo aan u sii wanaajiyo gaarista, bedqabka iyo debecsanaanta dekedyarada (pier), iyada oo la bixinayo aragtida/muuqaalka ballaaran ee Gacan-biyoodka Elliott Bay iyo Buuraha Olombik (Olympic Mountains). Beerta dekedyarada (pier) ee cusub ayaa la nakh-shadeeyay iyada oo gaar ahaan maskaxda lagu hayo qoysaska iyo carruurta yaryar, goob-ciyaareed, goobo lagu nasto iyo fagaare dadweyne oo ay barnaamijkooda dejin doonnaan Saaxiibada Biyo-xigeenka (Friends of the Waterfront).
Gurigan Furan ee Internet-ka ah, waxaad:
- Ka oggaan kartaa nakh-shadda 60% ee Dekedyarada (Pier) 58.
- Ku bixin kartaa jawaab-celin ku saabsan goob-ciyaareeda, musqusha iyo guud ahaan nakh-shadda dekedyarada (pier).
Isdiiwaangeli si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay
Si aad ula socoto mashruuca oo aad u oggaato tallaabooyinkeenna xiga ee gaarista, waxaan kugu dhiirrigelinaynaa in aad isku diiwaangeliso liiskeenna iimayl-ka.
Guudmarka Dekedyarada (Pier)
Guudmarka Dekedyarada (Pier)
Cunsurrada dekedyarada (pier) ee cusub
- Cawska iyo goobta la fadhiisto ee sare loo qaadey ayaa loogu talagalay in lagu nasto oo lagu raaxeysto daawashada muuqaalada soo-jiidashada leh.
- Goob daawasho oo bixinaysa aragtiyo furan, waaweyn ee Gacan-biyoodka iyo Buuraha Olombik.
- Meesha loo dhisay quruxda biyaha ee Fitzgerald ayaa dib loo soo celin doonnaa waxaana lagu dari doonna dekedyarada (pier) ee cusub.
- Fagaaraha iyo goobta dhacdooyinka ayaa loo adeegsan karaa waxqabadyo xilliyeedka sida bandhigyo faneedka, filimada bannaanka iyo dhacdooyinka kediska ku yimaada.
- Goob lagu ciyaaro oo loogu talagalay carruurta iyo waalidiinta. Fikradda cunsurkan ayaa weli la diyaarinayaa.
- Musqusha iyo goobta adeegga ee ku dheggan waddada biyo-xigeenka ayaa u adeegaya qoysaska iyo dadka soo booqda iyo in ay bixiyaan macluumaad ku saabsan barnaamijka hadda.
Fiidiyow: Guudmarka nakh-shadda ee 60%
La heli karo PDF [2.4 MB]


Sahanno
Bixi jawaab-celintaada ku saabsan fikradda guud ee nakh-shadda goob-ciyaareedda!
Waxaa jiray 1,174 oo qof gaar ah oo soo booqday gurigeenna furan ee internet-ka intii u dhaxeysay 13-ka Nofembar iyo 6-da Disembar, 2020. Waxaan 148 jawaabood ka helnay sahanka goob-ciyaareedda oo diiradda lagu saarayay nakh-shadaha iyo noocyada ciyaarta. Waxaa ku mahadsan dhammaan kuwii jawaab-celinta ka bixiyay! Xusuusin ahaan, goob-ciyaareeddan 5,000 cagood ee labajibbaaran ah (le’eg ku dhowaad cabbirka garoonka kubadda koleyga) ayaa ku yaalli doonta Deked-yarada (Pier) 58 inta u dhaxeysa Meesha Kalluunka iyo Xayawaan-badeedka Lagu Xannaaneeyo (Aquarium) iyo Miner’s Landing.
Waxa aynu maqalnay
- Tiirarka Dekedyada (Pier Piles), Xariiqa-badda iyo Biyaha Washington ayaa waxay ahaayeen saddexda nakh-shadood ee horey loo soo bandhigay. Ma jirin nakh-shad si xad-dhaaf ah loo doorbiday, balse kuwo badan ayaa qaddariyay adeegsiga dhismayaal taagan si loo bixiyo isku-dheelirnaanta fidsanaanta dekedyarada iyo xoogaa shafaafiyaad ah oo lagu muujinayo aragga Gacan-biyood Elliott Bay marka laga soo eego waddada biyo-xigeenka si loo sii wanaajiyo bedqabka iyo kormeerka goobta lagu ciyaaro.
- Badankiina waxaad jeclaateen qaybaha la fuulo iyo walxaha xariga
- Waxaad kaloo qaddariseen walxaha bixin kara fursad waxbarasho iyo sidoo kale kala duwanaanta nooca ciyaarta
- Waalidiinta iyo mas’uuliyiinta waxay doonayaan in ay si sahlan u awoodaan in ay muuqaal ahaan u baaraan guud ahaan garoon-ciyaareedka iyada oo la eegayo bedqabkiisa
- Dhismayaasha waa in ay noqdaan kuwo ciyaartoodu ay daneynayaan da’aadda oo dhan, oo ay ku jiraan dadka waaweyn
Ku soo dhawoow in aad ka akhriso soo-koobidda oo dhan mareegtadeenna.
Bixi jawaabcelintaada ku saabsan nakh-shadda goob-ciyaareedda!
Haddii aadan arki karin sahankan hoose, waad qaadan kartaa boggan sahankan.